Gå till huvudinnehåll

Xeerka faalada

 

Någon har en mobil i handen med Sveriges radios app.

Idaacadda Sweden waxay leedahay goobo badan oo looga xaajoodo, loogana faalloodo habka saxaafadda. Si haddaba ey dad badani nagula xiriiraan waxaa loo baahan yahay xushmad iyo dareen soo dhoweeyn, sidoo kale in lagu ekaado doodda iyadoo looga qayb geleyo si loo siman yahay.
Sidaa daraadeed ayaa loogu baahday xeerar doodda kala haga oo loo baahan yahay in dhammaan loo hoggaansamo.

1. Ma ogolin faalooyinka neceybka.

Waannu tirtirnaa faalooyinka noocaa ah:

  • naceybka ku dhisan, sinjiga, diimaha, qowmiyadaha laga badan yahay, HBTQ ama dadka leh iimaha kala duwan,
  • noocyada kala duwan ee faqooqa iyo neceybka soo galootiga,
  • magacyada quursiga,
  • hanjabaadda,
  • weerarka shakhsi

2. Waannu tirtireynaa faalooyinka garab marsan mowduuca (ka hadla mowduucyo kale).

Faalladu waa iney ku koobnaato mowduuca iyo maaddada qoraalku ku saabsan yahay ama su’aasha ay laanta idaacaddu soo bandhigtay.

3. Ma ogolin daabacaadda magacyo jebineya go’aannadayada ee daabacaadda safaaxadeed.

Hadduu soo saaruhu go’aan ku gaaray in aan la daabicin magaca qof la tuhunsan yahay, dacwad laga soo oogay ama xukun lagu ridey waa inaan sidoo kale lagu qorin baraha faallooyinka.

4. Ma ogolin male awaal iyo warbixinno marin habaabin ah.

Waan tirtireynaa faallooyinka beenta ah, xanta, male awaalka, sidoo kale sawirrada  musuqa/video-yada oo aan udub dhexeedka u ahayn doodda oo aanay ku caddeeyn in laga hadleyo akhbaar musuq ah.

5. Isticmaal wax tixraac ah.

Si ay dooddu u noqoto wax ku ool ayaa la doonayaa inaad dooddaada ku saleeyso xaqiiq iyo tixraac. Haddii aad xaqiiq sheeganeeyso oo aadan muujin karin caddeeyn halka ay ka timid, way dhici kartaa in faalladaada la masaxo. Sidoo kale ma ogolin link lala xiriiriyo haddii aaney akhbaartu is lahayn.

6. Lama ogola olole iyo spam.

Xaqiiqdii waa la ogol yahay inaad dhiibato fikir siyaasadeed, laakiin lama ogola olole xayeeysiin ganacsi iyo munaasabad, ama waxa lagu magacaabo siyaasad xisbi. Sidoo kale ma ogolin spam-ka oo macnihiisu yahay ku soo celcelin faallooyin isku mid ama isku duluc xambaarsan, haddey noqon lahaayeen linkiyo, faallooyin, summadaha emoj-ga sawirro iyo ama video-yo.

7. Ma ogolin faallooyin bani’aadminimada la isaga saareyo.

Looma ogola barnaamijyadeenna iyo goobaheenna faallooyinkaba in shakhsi ama koox lagu sheego tusaale ahaan inlagu tilmaamo ama aaney u qalmin iney noolaadaan, aaney qiime laheyn, xoor wasakh ah ama cayayaan.

8. Raadiyaha Sweden waa inuu u hoggaansanaado xeerka BBS.

Goobaha faallooyinka waxaa hag xeerka (BBS) – xeerka masuuliyadda sabuurradaha elektaroonika. Masuuliyaddeedana waxaa dusha u ridan doona ciddii xeerka meel kaga dhac ku sameeysa. Xeerka BBS wuxuu ka dhigan yahay inay idaacadda Sweden si joogto ah uga masaxdo faallooyinka xambaarsan

  • kacdoon
  • isku dirka qowmiyadaha
  • aflaanta galmada carruurta
  • soo bandhig dilal aan sharci ahayn
  • meel kaga dhac xuquuqda asalnimada
  • hanjabaad aan sharci ahayn
  • meel kaga dhac shakhsiyadeed
  • dhiiri gelin cad ee qodobka 3 § xeerka (2010:299) ciqaabta ku dhiirigelinta cad, soo jiidashadada iyo tababaridda dembiyada argagixisada iyo dembi kalee culus.

9. Haddii aad xadka ka gudubto waa lagaa xiri karaa.

Haddii aad digniinno dabadood aad xeerarkayaga mid ka mid ah xadkooda ka gudubto waxaa suurtagal ah in lagaa bannido inaad faallooyin ka bixin karto goobaha idaacadda ee bulshadu ku kulanto.

10. Arrimmaha xasaasiga ah iyo warbixinta waxaad ku gudbisaa Radioleaks.

Ka fikir inaadan goobta faallada ku gudbin arrimmo xasaasi ah iyo warbixin.

Isku day in dhaleeceeyntaadu noqoto mid cad.
Fikirkiina iyo dhaleeceeyntiinuba qiime ayey fadhiyaan habka saxaafadda ee idaacadda Raadiyaha Sweden – balse isku day inaad tusaale ku caddeeyso, middaasina oo doodda ka dhigaysa wax ku ool, islamarkaana aannu wax ku sii hagaajin karno.

Haddii aad ku aragto wax jebinaya xeerarkaa, noogu soo gudbi goobta dacwadda ama farriin ahaan. Waxay naga caawinaysaa sidii ey dooduhu u noqon lahaayeen kuwo wax ku ool ah.

Wixii ku saabsan aragti guud ama su’aalo, waxaad la xiriiri kartaa Adeegga Dhegeystayaasha:

08‑784 84 84, lyssnarservice@sverigesradio.se, ama bogga Facebook ee Sveriges Radio (@sverigesradio).

Maamulka faallooyinka waxaa iska leh Sveriges Radio AB,

105 10 Stockholm, lambarka shirkadda 556 419‑3232.

Ansvarig utgivare: Josef el Mahdi

Om Sveriges Radio

Sveriges Radio ska granska, roa och utmana. Vi finns över hela landet och i världen för att ge dig fler perspektiv. Hos oss får du oberoende journalistik och kulturupplevelser – när du vill och där du är. Varje vecka lyssnar 7,2 miljoner på oss.